Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiintii ugu badnaa Mucaaradka oo Muqdisho ku soo wajahan

Todobaadka soo socda  Magaalada Muqdisho waxaa ku soo fool leh inta badan siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka maqan magaalada Muqdisho.

Raisul Wasaareyaal hore oo ay ka mid yihiin Xassan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Cabdi Wali Sheekh Axmed, Cumar Cabdi Rashiid & Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku soo fool leh Xamar.

Sidoo kale waxaa ku soo biiri doono gudoomiyaashii hore e baarlamaanka sida Shariif Xassan Sheekh Aadan & Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Mucaaradka ay rabaan in ay hadda mideeyeen awoodooda siyaasadeed si ay u xoojiyaan cadaadiska dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saaxibada caalamka ay u sheegeen Mucaaradka inay la yimaadaan qorshe cad oo midaysan si loo arko taladooda.

Madaxweyne Xassan ayaa markale laga codsaday in talada miiska uu soo saaro isla-markaana uu dhagaysto Mucaaradka si loo helo aragti mideysan oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka soo socda oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.

Related posts

Booliiska Bosaaso oo soo xiray koox tacadi fool xun kula kacay qoys danyar ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay duleedka Magaalada Cape Town (Magacyada)

Caydiid Ali

Saciid Deni oo warbixin siiyey wafdi ka socday dowlada Kuwait (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---