War Deg Deg Ah: Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw gaaray Eritrea iyo soo dhaweyn aan …

Waxaa goordhaw magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea booqasho taariikhi ah ku tagay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo .

Madaxweymaha dalka Eritrea iyo masuuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Wafdiga uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana garoonka lagu garaacay astaanta qaranka labada wadan.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Wafdiga la socda ayaa la filayaa in wadahadalo dheer la yeeshaan Madaxweynaha Eriteria , waxaana labada wadan kawada hadli doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa xiisadii horey uga dhaxeysay.

Abiy Ahmed ayaa noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu go’naa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -