Maktabad loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajray Maktabad cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir si ay uga faa’ideystaan dhallinyarada Caasimadda waxaana Maktabadaas loogu magac daray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Magaalada Muqdisho allaha unaxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusaan (Yariisoow)

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa xariga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir kaas oo loogu talagalay in dhallinyarada gobolka Banadir ay ku bartaan cilmiga Computer-ka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu ka hadlay doorkiisa ku aadan fursadaha ay dhallinyarada mudan yihiin.

“ Waxaad lamid tihiin caruurteyda wax ay caruurteyda iga mudan tahay ayeey sidoo kale dhallinyarada caasimadda kunool iga mudan yihiin hasa’ahaate waxaa loo baahan iney dhallinyarada gacmaha is qabsadaan oo ay kaalin muuqata ka geestaan Xasiloonida Caasimadda iyo nabadiidka meel loogu soo wada jeesto nabadiidka”

- Advertisement -