Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo abaal marin Sharafeed siisay ninka sameeyay diyaaradaha Baraktar

Milateriga Itoobiya ayaa abaal-marin guddoonsiiyay madaxa shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Baykar, taasoo lagu tilmaamay inay tahay “Bilad-sharaf”, wuxuu ku mutaystay kaalmadii uu ka geystay tayeynta ciidammada cirka ee dalkaas muddadii labada sano ahayd ee dagaalka sokeeye ee Tigray.

Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa abaal-marintan guddoonsiiyay Haluk Bayraktar, xilli uu socday bandhig faneedka ciidamada cirka oo sannad walba lagu qabto magaalada Bishoftu oo ku dhow caasimadda Addis Ababa.

Mr Bayraktar waxa uu sheegay in ay “sharaf u tahay in la guddoonsiiyo biladda sharafta” oo ay naadir tahay in la siiyo dadka ajnabiga ah.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee aan duuliyaha lahayn ayaa la rumeysan yahay in ay gacan ka geysteen sidii dagaalka sokeeye ay dhanka kale ugu rogi lahaayen, iyadoo dowladda federaalkana ay raalli ka tahay. Colaadda ayaa soo afjarantay bishii November ee sannadkii hore kaddib markii heshiis nabadeed lagu saxiixay Koonfur Afrika.

Ma cadda faahfaahinta dhabta ah ee ku saabsan abaal-marintan balse waxa ay u muuqataa inay ka duwan tahay bilad sharafta qaranka oo sida caadiga ah uu bixiyo madaxweynaha dalka.

Dawladaha Afrikaanka ah ayaa si isa soo taraya u helaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga si ay ula dagaalamaan kooxaha hubaysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca amniga Gobolka Sh/dhexe oo goor dhow la dilay

Caydiid Ali

Guddigii farsamada ee dhismaha Golayaasha deegaanka Galmudug oo lakala diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---