Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca amniga Gobolka Sh/dhexe oo goor dhow la dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga ee maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Cabdi ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa lagu dilay magaalada Jowhar sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Masuulkan ayaa la sheegay inuu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray qarax loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray hoygiisa.

Warka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale qaraxa uu ku dhintay wiil yar oo uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka geeriyooday.

Raggii ka dambeeyey bamka lagu tuuray hoyga Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga ee maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay iney baxsadeen waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka oo nawaaxiga guriga ka wada baaritaano xoog leh

La soco wixii soo kordha insha allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -