Aqalka Sare oo beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo baahinayay war ku aadan in Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in kulan wadajir ah la yeesho Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha oo wali ku maqan magaalada Dhuusomareeb ayaa xildhibaanada labada aqal doonaya in uu ka codsado in loo sameeyo mudo kordhin hal sano ah maadaama aan wali heshiis laga gaarin doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu beeniyay in uu jiro kulan wadajir ah oo Madaxweyne Farmaajo la yeelanyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

”Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021” ayaa lagu yiri qoraalka aqalka sare kasoo baxay.

Warkan kasoo baxay aqalka sare ayaa shaki galinaya kulanka wadajirka ah uu codsaday Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna warkan kusoo aadayaa xili Khilaaf xoogan u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Aqalka sare.

 

- Advertisement -