Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo ku dhawaaqay Isbahaysi ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen iyo tirada dowladaha…

Bayaan ka soo baxay Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin ayaa lagu sheegay in la sameeyay isbahaysi caalami oo ka hortega weerarada ay Xuutiyiinta ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku socdaala Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Baabul Mandab.

Isbahaysigan cusub ee uu Maraykanka horkacayo waxaa ilaa haatan la shaaciyey inay xubno ka yihiin ciiddamo baddeed ka kala socda 10 Waddan oo ay ka mid yihiin UK, Bahrain, Canada, France, Italy, the Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain.

Isbahaysigan ciiddanka isku-dhafka caalamiga waxaa la sheegay inay gelbin doonaan maraakiibta ganacsiga ee marinkooda yahay Gacan-biyoodka Istaraatiijiyada leh ee Baabul Mandab ee Badda Cas.

Sida lagu shaaciyay bayaanka isbahaysigan cusub uu hoggaaminayo Mareykanka  waxaa loogu magac daray: Hindisaha Amniga ee Ciiddanka Isku-dhafka ee Jinsiyadaha kala duwan (Multinational Security Initiative).

Si kastaba, dowladaha Carbeed ee hodanka ku ah shidaalka iyo gaaska Dabiiciga ee Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ka biyo diideen isbahaysigan Maraykanka horkacayo ee La-dagaalanka Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay dowladda Iran Xulufada yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxwene Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo goordhaw heshiis gaaray

Cabdi Cade

Coronavirus oo caga dhigtay Jabuuti & kiiskii ugu horeeyey oo laga helay

Caydiid Ali

Madaale oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Shaqaalaha D/Hoose ee Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---