Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddigii farsamada ee dhismaha Golayaasha deegaanka Galmudug oo lakala diray

Wasaarada Arimaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala dirtay guddigii farsamada ee dhismaha golayaasha deegaanka Galmudug, kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay qaar kamid ah xubnaha guddigaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha gudaha Galmudug ayaa lagu kala diray guddigii farsamada dhismaha golayaasha deegaanka, waxa uuna wasiirka sheegay in guddiga loo kala diray khilaaf soo kala dhax galay owgiis.

Kala dirista Guddiga farsamada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan xilka laga qaaday Wasiirkii arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel oo lagu eedeeyay in si khaldan u maareeyay doorasho muran badan ka dhashay oo ka dhacday degmada Balanbale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay Saraakiil ciidan

admin

 Abiy Axmed oo dalbaday in dowladiisa lagu soo wareejiyo Mengistu Haile Mariam

Cabdi Cade
Taboola Ads ---