Ra’isul Wasaare sameeyay bar Inter oo lagu soo dalban karo xillka Wasiirnimo

Hannaanka uu Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ku doonayo inuu ku dhiso golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa ayaa qeyb ka mid laga dhigay website loo sameeyay iney shacabka ku soo codsadaan xilalka wasiirrada ee dowladda cusub.

Bayaan uu soo dhigay bartiisa shakhsiga ee Facebook, ayuu Mr Cabdul Mahdi ku casumay dadka xirfadaha iyo khibradda leh iney u soo istaagaan xilalka.

Shacabka ayaa haysta ilaa maalinta Khamiista ah ee usbuucan, si ay u soo gudbistaan macluumaadkooda shakhsiyeed ee loo yaqaanno CV-ga, iyo waxyaabaha ay ku caddeynayaan iney jagooyinka u qalmaan.

Cabdul Mahdi ayaa isbuucii la soo dhaafay laga dalbaday inuu sameeyo xukuumad cusub, taasoo soo af jartay ismariwaa socday bilooyin, ka dib doorashadii ay natiijadeeda raagtay ee ka dhacday dalkaas.

Siyaasigan madaxa bannaan oo ka soo jeeda Shiicada – oo heysta shahaadada PhD-da ee dhinaca dhaqaalaha, horayna u soo noqday madaxweyne ku xigeen, wasiirka saliidda iyo wasiirka maaliyadda – ayey soo magacaabeen garabyada shiicada ee ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee doorashadii dhacday bishii Meey.

Wuxuu dusha sare kala socon doonaa dib u dhiska waddanka Ciraaq, ka dib afar sano oo dagaal lagula jiray kooxda jihaad doonka ah ee Daacish.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda Ciraaq iyo xoogagga Daacish ayaa sababay iney burburaan tobannaan kun oo guri iyo sidoo kale goobo ganacsi, halka dad ka badan saddex milyan oo ruuxna ay ku barakaceen.

Mr Cabdul Mahdi ayaa haysta ilaa 1-da bisha Nofeembar, si uu xukuumadda cusub u soo dhiso.

Bayaanka uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in go’aankiisa ku aaddan hannaanka soo xulashada golaha wasiirrada uu ka dhashay kulamo uu si gaar-gaar ah ula yeeshay shakhsiyaad ka tirsan bulshada, kuwaasoo qaarkood ay xilkiisa ugu hambalyeynayeen, qaarka kalena ay talooyin siinayeen.

Bogga internet-ka ee shacabka ay ku codsanayaan xilalka wasiirrada ayaa magaciisa laga dhigay Iraqcabinet2018.com waxaana lagu soo bandhigay qoraal hagaya dadka codsanaya xilalka oo isugu jira rag iyo dumar labadaba.

Dadka daneynaya iney xilalkaas qabtaan ayaa laga doonayaa iney macluumaadkooda galiyaan bogga islamarkaana ay codsigooda gudbiyaan iyagoo faahfaahinaya sababaha ay ugu qalmaan boosaska kala duwan ee xukuumadda.

Waxaa sidoo kale laga doonayaa iney sharraxaad ka bixiyaan howlihii ugu muhiimsanaa ee ay horay u soo qabteen, si ay khibradahooda u muujiyaan.

Xukuumadihii hore ee soo maray Ciraaq ayaa lagu eedeyn jiray iney hareeyeen cillado isugu jira musuqmaasuq, maamul xumo iyo siyaasad aan sal fiican lahayn.

Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii dagaya oo lagu magacaabo Xeydar Al Cabaadi ayaa horay u damcay inuu baddalo xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda ku fashilmay, hase ahaatee wuxuu mucaaraddo xoggan kala kulmay xisbiyada ay bahwadaagta ahaayeen.

Baarlamaanka Ciraaq oo ku guul darreystay iney ansixiyaan wasiirro aan ku dhisneyn hab siyaasadeed ayaa sabab u noqday mudaharaadyo dhacay sannadkii 2016-kii, waxaana xilligaas xilka wasiirka saliidda iska casilay Cabdul Mahdi oo hadda noqday ra’iisul wasaare.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -