Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Masaajid oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa xalay ku dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Imaam Masaajid oo caan ka ahaa xaafado katirsan degmadaasi, waxaana dilkan aad uga argagaxy dadka deegaanka ee yaqaanay Imaamka.

Raga dilka u geestay Imaamka Masjid oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cubeyd ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen burcad, kuwaa oo xilliga ay dilayeen Imaamka ka dhacayay moobeel uu watay.

Kooxaha burcadka ha ee dilka geestay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobtii ay ku dileen Imaanka, waxaana halkaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska oo sameeyay howlgalo aysan natiijo ka dhalan.

Degmada Kaaraan ayaa horey sidaan oo kale loogu dilay macalimiin , iyo imaamyo masaajid, waxaana dilalkaasi lagu eedeeyay in ay geesteen kooxo burcad ah iyo dhallinyarada ciyaal weerada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Dib u dhis ku socda xarunta Wasaarada Lacagta iyo Wasiir Beyle oo Kormeeray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida Madax iyo shacab looga ciiday Magaalada Garoowe

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo diiday inuu tago Xafiiska xeer ilaalinta oo looga yeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---