Kuuriyada Waqooyi oo qarxisay Xafiis kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa qoraya  war  cusub oo ku saabsan in Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay bur burisay xafiis kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed , xili xiisad u dhaxeesa labada dal uu dib usoo cusboonaaday.

Dowlada  Kuuriyada Waqooyi bur burisay xafiiskan oo kuyaalay magaalada Kaesong oo kutaala xadka labada dal, xafiiskan ayaana ahaa mid ka dhaxeeyay oo labada dal kuwada shaqeenayeen.

Xafiiskan labada dal ka dhaxeeyay ayaa la furay sanadkii 2018-kii, waxaana xafiiskan loogu tala galay ka shaqeynta in xiriir isgaarsiineed yeeshaan labada dal ee Kuuriyada Waqooyi iyo mida Koonfureed.

Bur burinta xafiiska labada Kuuriya ka dhaxeesay ayaa kusoo aadeysa xili Dowlada Kuuriyada Waqooyi soo cusbooneesiisay hanjabaadyadii hore, iyagoona ugu goodiyay Kuuriyada Koonfureed in talaabo ka qaadi doonto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -