Ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira oo xalay Sh/hoose ku dilay wadaad caan ah

Ciidamo Somali iyo ajnabi ah ayaa gurigiisa ku weerraray kuna dilayn Sheekh caan ka ahaa degmada Wanla-weyn ee Gobolka Sh/Hoose sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmadaas

Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii ay ciidamadan loo maleynayo inay yihiin Mareykan iyo kumaadooska Somalia ay u dhaceen, kuna dileen gurigiisa Sheekha oo lagu magacaabi jiray Macalim Nuur Cismaan Bilaal.

Dadka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa nin si weyn looga yaqaan degaanka oo tafsiirka Qur,aanka iyo Cilmiga Diinta Islaamka ka akhrin jiray Masjid ku yaalla degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta loo khaarijiyey.

Shacabka degmada Wanlaweyn ayaa si weyn uga naxay dilka Sheekha, mana jirto wax war oo ka soo baxay ciidamada Soomaaliya, iyo kuwa Maraykanka ee la socday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -