Hees ay soo qaadeen kooxda Waayaha cusub oo fal-celin adag kala kulantay Baraha bulshada

Hees looga soo horjeeday madaxda uu muddo xileedkooda gebagebada yahay ee dowlada Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Heestan oo loo bixiyey (Nabar iyo Naxdin) oo lidi ku ah halka ku dhega dowladda ee (Nabad iyo Nolol) ayaa waxaa qaaday fanaaniin ka tirsan kooxda waayaha cusub oo ku sugan qurbaha kuwaasoo ay ka mid yihiin Falis Cabdi iyo kuwo kale.

Ereyada heestan oo ay ku jireen qaar aflagaado u muuqday oo anshax ahaan laga fiicnaa ayaa waxaa ka mid ahaa:-

“Nabad iyo nolol ah, Naqnaq badana, Nabadba ma hayaane, Aaway noloshu, Neerfahay xanuunsheen, Maatadii nuglayd, Nuxnuxdooda badane, Dadkii way naafeeyeen, Wayna nolol tireen, Ninku ninkii ma ahane, Yaan la niyad jabin, In loo nacamleeyana Waa nacasnimo, Naruurana ma lahane, Ha la wada naco, Nabar iyo naxdin, Dub naxana maleh, Kaligood baa nacfiyay, Misna naaxay, No no dhaha, No na dhaafa No no dhaha”

Hasse ahaatee arrinta yaabka leh ayaa noqotay in heestan markii la soo geliyey barta ay Youtubka ku leeyihiin kooxda Waayaha cusub ay la kulantay diidmo adag, waxaana markii ay lix saacadood oo kaliya hawada ku jirtay lagu asqeeyey (Dislike) la macno ah (Kama helin) oo gaaray illaa 50 kun, halka nambarka Like (Waan ka helay) uu xiligaas ka marayey wax in yar ka badan 9 kun.

Waxaa ka sii yaab badneyd in diidmada 50-ka kun ah ee ay heestan la kulantay ay aad uga sareysay tirada daawadayaasha oo xiligaas marayey 22 kun oo kaliya, taasoo ka dhigan in dadka intiisa badan ayba iska diideen heesta iyagoo aan daawanin.

Kooxda Waayaha cusub ayaa markii ay xaaladu halkaas mareysay qariyay (Hiden)  nambarada dadka ka helay iyo kuwa diiday heesta (Like and Dislike) oo aan hadda aan la arki karin.

Heestan ayaa sababtay dagaal adag oo baraha bulshada ku dhexmaray taageerayaasha dowlada Nabad iyo Nolol iyo kuwa mucaaradka oo fasiraado iyo doodo iska horjeeda ka keenay sida ay ku dhacday arrintan.

Fikrado kala duwan ayaa laga bixiyey mashaqada qabsatay heestan, waxaana dadka qaarkood ay aaminsan yihiin iney ay ku habsatay caro kulul oo ka timid shacab dowlada jecel, halka qaar kalena ay rumeysan yihiin in arrintan aysan caqli gal aheyn oo ay ka dambeyso Madaxtooyada Somalia.

“Waxay soo qaadeen hees ay ugu magac dareen (Nabar iyo naxdin) balse nasiib daro isla kooxdii soo qaaday ay Nabar iyo naxdin ku noqotay, sumcadii ay bulshada ku lahaayeena wey dhimatay” ayuu yiri mid ka mid ah taageerayaasha dowlada oo qoraal soo dhigay barta facebook.

Hase ahaatee dadka taageerayay mucaaradka oo arintan ka falceliyey ayaa iyana sheegay in falkan uu ahaa mid qiyaano ah oo ay ka dambeeyeen  koox ay ula baxeen CBB oo laga soo gaabiyey (Cayayaanka baraha bulshada), kuwaasoo ay sheegeen in dowladdu u qoratay iney baraha bulshada ku weeraraan siyaasiyiinta mucaaradka iyo cid kasta oo dowlada dhaliil u jeedisa.

Waxay intaas ku dareen in Dislike-ta lagu asqeeyey heesta Nabar iyo naxdin ay aheyd mid been abuur ah oo la soo iibsaday, iyagoo soo bandhigayey cadeymo aan weli la xaqiijin iney sax yihiin iyo in kale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha kooxda Waayaha cusub Shiine Akhyaar oo wax laga weydiiyey arrinta qabsatay heesta ay soo bandhigeen ayuu sheegay in iyagu koox ahaan ay fekerkooda cabireen, dadkuna ay xor u yihiin iney soo dhoweeyaan ama diidaan.

”Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa cabbiro, annaguna waxaan cabbirnay ra’yigeenna, ciddii keenna diiddana ku colaadin mayno oo waxaan ixtiraamaynaa Xorriyadda Hadalka!” ayuu Shiine Akhyaar oo wareysi kooban siiyey warbaahinta qaar.

Hadal heynta ugu badan ee bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay noqotay sida aan caadiga aheyn ee looga fal celiyey heestan oo dadka qaarkood ay su’aalo ka keeneen, waxaana aad loola yaabay sida deg deg ah ee nambarka intaas le’eg ay ku diideen heestan oo weli murankeedu ka taagan yahay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -