Raisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow dalka ka dhoofay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle, iyagoo ku sii jeeda Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Khayre ayaa sheegaya in socdaalkiisa uu la xiriiro martiqaad rasmi ah ka helay Boqortooyada Sacuudiga oo dayuurad gaar ah saaka u soo dirtay, taasoo qaaday wafdiga raisul wasaaraha

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska Ra’isul ayaa sheegay in Khayre loo soo diray martiqaadka bishii hore, ka hor inta aysan Madaxda dalalka Geeska Afrika tagin magaalada Jeddah, balse farsamo awgeed uu dib ugu dhigay safarkiisa.

Raisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga waxaa uu kulamo la qaadan doonaa boqorka dalkaas Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo masuuliyiin kale.

Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -