Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka Siiriya oo gaaray hareeraha Dimishiq (Sawirro)

Hassan Abdul Ghani oo ah sarkaal ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay in ciidamadiisa ay 20-Km oo kaliya u jiraan magaalada caasimada ah Dimishiq.

“Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.” ayuu yiri Ghani

Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”

Ciidanka nidaamka Assad ayaa isaga baxay deegaanka Al-Dumayr iyo saldhigga milatari ee ku yaalla baadiyaha Dimishiq, taa oo ka dhigan inay furantahay waddada dhanka bari ee tagaysa gudaha Dimishiq.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , ayaa baahiyay warsaxaafadeed ay ku sheegayaan inay guda galeen wajiga u dambeeya ee howlgalkooda oo ay isku diyaarinayaan galitaanka magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya oo ay la wareegeen deegaannada koonfurta ee Dimishiq.

Related posts

Iran oo isku dayday in ay hor istaagto Markab Ingiriisku leeyahay  

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo Madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 15 milyan oo doolar 

Cabdi Cade

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay Maandooriye aad u badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---