Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka, guddigan ayaana ka kooban  lix xubnood ayaa ku biiristiisa looga dhawaaqay dalka Imaaraadka Carabta.

Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu sheegay munaasabad Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Mohamed Makhzumi ay kaga qeyb gashay Iimaaraatka Carabka Shir looga hadlaayay Isbadalka Ciilada iyo caqabadaha xiligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha cimilada.

Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan Cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh qaranka ee ku wajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.

Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka Maaliyadda cimilada adduunka.

Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyp hal-abuurnimada, iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo Wadamada wajahaya caqabadaha Cimilada u noqda samatabixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad shacabkeeda u jebisay qiimaha raashiinka daruuriga ah bisha Ramadaan awgeed

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Nick Dyer (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo War kasoo saartay Eedeymaha uga imaanaya dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---