Allbanaadir.com
NEWS

Taallo qadiimi ah oo laga xaday dal Afrikan ah oo sannado badan kaddib dib loo celiyay

Dawladda Switzerland ayaa sannado badan kaddib ugu celisay dalka Liibiya taallo qadiimi ah oo dalkaasi laga soo xaday, waxaana taalladan lagu wareejiyay safaarada Liibiya ku leedahay dalka Swizarland.

Taalladan lagu wareejiyay dawladda Libya ayaa la’aaminsan yahay inay jirto in ka badan 2,000 oo sanno, waxaana taalladan xilli aan la cadeyn laga xaday dalka Liibiya, iyada oo la geeyay gudaha dalka Switzerland.

Taaladaan oo ah farshaxan laga sameeyay madax haweeneey, cabirkiisuna yahay 19cm oo dherer ah, leh taariikh aad u fog gudaha dalka Liibiya, waxa ayna kamid tahay taallooyinka taariikhiga ah ee Liibiya leedahay.

Dowladda Zwitzerland ayaa taalladan ama farshaxankan ka heshay sannadkii 2013 kii  baqaar ku yaalla magaalada Geneva, balse waxaa si sharci ah ula wareegay dawladda sanadkii 2016 kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha Maamulka Koonfur galbeed oo labo cisho la fasaxay (Faahfaahin sababta)

Caydiid Ali

Wasiir Raali galin ka bixisay amar ay siisay shacabka dalkeeda uu jabiyay ninkeeda !!

Cabdi Cade

Taliban oo War cusub ka soo saartay dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---