Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Beyle oo la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyada Golaha Shacabka (Daawo Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka.

Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda la qaatay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda golaha shacabka ayaa looga arinsanayay sidii Baarlamaanka loo horgeyn lahaa loona ansixin lahaa miisaaniyada sanadka soo socda kahor curashada sanadka cusub.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda golaha shacabka kala hadlay qaabkii ay uga wada shaqeyn lahaayeen howlha culus ee horaala.

”Villa Hargeysa: waxaan la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala, wasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii isbadal lagu sameeyay guddigii hore ee Maaliyadda lagana saaray liiska Gudoonkii Guddigaasi ee sababta u ahaa in dalka xiisad siyaasadeed galo uuna khilaaf ka dhasho kala diristooda

Guddiga cusub ee Maaliyadda ayaa la sheegay in gudoonkooda iyo inta badan xubnaha u badan yihiin kuwa taabacsan siyaasada Xukuumada Soomaaliya, waxaana meesha laga saaray xubno loo arkay in mucaarad yihiin caqabadna kunoqon karaan Xukuumada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiyada Sahan iyo Wadajir oo ka hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

admin

Waalidiin caruurtooda halis galeen oo Dacwad kusoo oogaya Shirkad sameysa gameka!

Cabdi Cade

Madaxweynaha Koonfur Kuuriya oo si diiran loogu soo dhoweeyey Pyongyang (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---