Senators-ka Maraykanka oo isku raacay in Max’ed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi

Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi uu joojiyo taageerada uu Sacuudiga ka siiyo dagaalka Yemen, iyagoo dhinaca kale dhaxal sugaha Sacuudiga ku eedeeyeey inuu ka dambeeyay dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Senataro ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Trump ayaa raacay xisbiga Dimuqraadiga si ay Sacuudiga oo muddo dheer xulafo la ahaa Mareykanka ugu eedeeyaan dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Madaxweyne  Trump ayaa balanqaaday inuu adeegsan doono codka veto, haddii congresska dalkaas ay ay iyagana u codeeyaan qodobkan.

Tallaabadan ayaa Trump ku noqotay mid yaab leh, maadaama uu horey uga biya diiday inuu cambaareeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Baaritaan CIA-da Mareykanku ku sheegeen dhowaan in Maxamed Bin Salmaan uu amar ku bixiyay dilkii loo geystay Khashoggi ayuu Trump ku  tilmaamay mid aan dhameystirneyn.

Senator Bernie Sanders oo ka mid ah xubnaha tallaabadan taageeray ayaa ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah oo dhinaca cadaalada loo qaaday “Maanta wixii ka dambeeya waxaan dawladda Sacuudiga u sheegaynaa inaan taageeri doonin weerarada ay milaterigoodu geystaan” ayuu yiri Bernie Sanders.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -