Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo lagu eedeeyey iney Alshabaab u fidiyeen dacaayad

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia ayaa lagu eedeeyay inay kooxda Alshabaab u fidiyeen dacaayad ka dib markii ay faafiyeen muuqaallo ay kooxda ku sheegatay inay lacag seko ah u qeybisay dadka magaalada Muqdisho.

Warka Al shabaab  ayaa si weyn baraha bulshada loogu shaaciyey iyadoo afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Dheere oo la hadlayey dadka sakada loo qeybinayey uu ka raali geliyey safarka dheer ee la soo geliyey, isagoo xusay iney guryahooda ugu geyn lahaayeen balse ay ka xun yihiin in magaalada Muqdisho uu heysto caddow.

Inkastoo aan la sheegin halka lagu qeybiyey sakada Al-shabaab ayaa haddana Hadalka Shiikh Cali dheere waxaa uu muujiyay in arintan ay ka dhacday meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee  Xildhibannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku ah dowladda oo aan waxba hubsan ayaa qaatay warar been ah oo la isla dhex maray kuwaasoo sheegayey in Alshabaab ay Muqdisho dhexdeeda ama Suuqa Bakaaraha ku qeybisay lacagtaasi.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa qoraalkan hoose soo dhigay baraha bulshada isagoo si weyn loogu cambaareeyay inuu isku khalday mucaaradnimada iyo xaqiiqada, isuna bedelay afhayeen dacaayadaha u fidiya Alshabaab.

“Hadii Afhayeenkii Kooxda Alshabaab Cali Dheere uu maalin cad Suuqa Bakaaraha ku qaybinayo wax uu ugu yeeray Zako uu xoog uga qaaday Ganacsatada suuqa Bakaaraha. Tani waa marqaati ma doonto in amnigii gacanta ka baxay, waana ayaan daro in Muqdisho ay ku laabatay meeshii ay 2010kii joogtay ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo ceeb iyo weji gabax kala kulmay hadalkiisan.

Balse waxaa qoraalka C/raxmaan C/shakuur ku sirmay oo isna bartiisa twitter-ka ku taageeray, isla markaana sheegay in Suuqa Bakaaraha lacag qeybintu ka dhacday wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh. .

Hase ahaatee Waxa ka daba qaatay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo inkastoo uu yahay mucaarad, haddana ka hor yimid sida ay u hadleen saaxiibadiis

“Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha lacag Zako ah ku qeybinaya dadka faafinaya ma dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayay ugu daneynayaan mise Shabaab ayay buunbuunin iyo suuq geyn u sameynayaan?!. Anigu waxaan qabaa dhaliilaheenu inay noqdaan kuwa wax dhisaya. Dalka iyo dadkana aan u turno oo cadow inuu qabsado yaanan horseedin. Fashilka amni ee jirana aan kula xisaabtano hay’adaha iyo dadka ka mas’uulka ah!…” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -