Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga oo howlgal ka fuliyay deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgalo ka fuliyay tuulooyin la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab, kuwaa oo dhibaatooyin ku hayay dadka deegaanka.

Howlgalkan ayaa ciidamada si gaar ah uga sameeyeen tuulooyin dhowr ah ay kamid yihiin  Farag, Wargoloole, Hooyaley, Abagbeeday, iyo dudumaale oo oo katirsan gobolka Bakool, waxaana tuulooyinkaasi la sheegay in ay joogeen xubno katirsan Al Shabaab.

Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Yuunis Aadan Xasan oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ciidamada kala eryeen xubnihii Al Shabaab ee ku sugnaayeen goobaha ay tageen.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo tuulooyin katirsan gobolka Bakool, uu sheegay in Al Shabaab shacabka ku dhibaateeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaac hor leh oo soo wajahay Doorashada Soomaaliya iyo Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade

Puntland oo dadkeeda ka mamnuucday nooc ka mid ah dharka la xirto (Sababta)

Caydiid Ali

Cudur la garan waayey oo dad ka badan boqol qof ku laayey dal ka tirsan qaarada Afrika

Caydiid Ali