Degmada Dayniile ee G/Banaadir oo la sheegay iney qabto dhibaato iyada u gooni ah

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah  Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka ku nool degmada Dayniile ay dhibaato ku qabaan ciidamada Milateriga ah ee degmadaas ku sugan.

Degmada dayniile ayuu sheegay iney tahay mida kaliya ee gobolkan Banaadir ay degan yihiin ciidamo millateri ah isagoo xusay inaan la aqbali Karin arrintaas loona baahan yahay in wax laga qabto.

Xildhibaanka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday xarunta degmada Dayniile oo xilalka ay ku kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee degmadaas iyo kii hore.

“Dayniile waxaa degan ciidamo Millateri ah waana degmada kaliya ee 17-ka degmo gobolka Banaadir ay ka joogaan haddii aan nahay xildhibaanada ma aqbaleyno, go’aan ayaan ka qaadaneynaa, waayo dhibaato ayay shacabka ku hayaan” ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Wasiir iyo taliye kasta oo xil loo magacaabo ayuu sheegay xildhibaan Dhuxulow inuu hadalkiisa ka bilaabo (Waxaan soo booqday xeryaha ciidamada ee degmada Dayniile)  taasoo uu xusay iney tahay wax lala yaabo.

Degmada dayniile ayaa waxaa ku yaalla xarumo milateri oo ay sameysay dowladii kacaanka, waxaana ka mid ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, Rugta Saraakiisha iyo xeradii Oodweyne iyo xeryo kale oo ay leeyihiin ciidanka Xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -