Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaarihii hore ee dalka oo muddo ka dib ku soo laabtay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib muddo badan oo uu dalka dibediisa ku noolaa

Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle si diiran ugu soo dhoweeyey Masuuliyiin, xildhibaano, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Somalia iyo qeybaha bulshada.

Khayre ayaa la sheegay inuu u yimid Muqdisho qeyb galka shir maalmaha soo socda ay yeelanayaan qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka tirsanaa Midowgii Musharaxiinta.

Waxaa la filayaa ka hor shirkooda inay la kulmaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka, si ay ula wadaagaan aragtidooda ay ku diidan yihiin hannaanka dhameystirka Dastuurka iyo qorshaha la doonayo in wax looga bedelo Nidaamka Madaxtinimada ee dalka.

Xassan Cali Khayre oo la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa raisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dowladihii talada dalka isaga dambeeyey 20kii sano ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kale ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Somalia doorashadii dhacday sanadkii 2022 ee ku guuleystay Madaxweynaha talada haya Xassan Shiilkh Maxamuud.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Diyaarado dagaal oo lagu soo riday dagaal ka dhacay magaalada Omdurman

Cabdi Cade

Lacagta ku baxday iyo dowlada laga iibiyay dhismaha Safaarada Somalia ee Mareykanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus ka helay dhigiisa Mansur Yavaş (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---