Maxaa kasoo baxay kulankii Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ?

Waxaa xalay Hotel kuyaala magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah oo looga arinsanayay maqaamka magaalada Muqdisho iyo xubnaha aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir ku yeeshay Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda G/Banaadir iyo madaxda maamulka gobolka.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Beesha Hawiye iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah kuxigeenadiisa.

Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirada, Xildhibaanada iyo xubnihii kale ee kulanka ka qeyb galay is dhaafsadeen aragtidooda ku aadan maqaamka gobolka Banaadir iyo xubnaha 7-da ah ee laga siiyay aqalka sare.

Xubnihii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa si isku mid ah u dalbaday in la raadiyo maqaamka gobolka Banaadir, waxa ayna kasoo horjeesteen 7-xubnood oo la sheegay in aqalka sare laga siiyay G/Banaadir hadana lagu qeybinayo nidaamka 4.5.

Wasiirada iyo Xildhibaanada kulanka joogay ayaa isku raacay in la qaadaco qoondada gobolka Banaadir laga siiyay aqalka sare ee hadana lagu qeybsanayo 4.5, waxa ayna cadaalad daro ku tilmaameen sidaasi wax loo qorsheeyay.

Masuuliyiintan kasoo jeeda beesha Hawiye ee xalay kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in la badiyo kulamada arintan looga hadlayo lana xoojiyo raadinta xaquuqda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa imaanaya xili Guddiga wadajirka Baarlamaanka ee u xilsaarnaa dhameystirka xeerarka doorashada ay isku raaceen in gobolka Banaadir 7-xubnood laga siiyo aqalka sare laguna qeybsado xubnahaasi nidaamka 4.5.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -