Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo dalab xasaasi ah hor dhigay Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa qado sharaf ugu sameeyay Magalaada Muqdisho xildhibaannada DFS laga soo doorto Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isagoo ka codsaday meelmarinta qodobbadii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.

Qodobadaas ka mid ah hannaanka dhameystirka Dastuurka KMG ah iyo qorshaha la doonayo in wax looga bedelo Nidaamka Madaxtinimada ee dalka ee uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Somalia

“Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyadoo xildhibaannadu ay soo dhaweeyeen codsiga Madaxweynaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Dhameystirka Dastuurka KMG ah iyo qorshaha la doonayo in wax looga bedelo Nidaamka Madaxtinimada ee dalka ayaa taageersan afar ka mi ah shanta dowlad goboleed ee dalka, waxaana si weyn uga soo hoejeeda Puntland oyo Siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda koonfurta Somalia kuwaasoo ay ku jiraan qaar saaxiibo dhow la ah Madaxweyne Xassan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa ku cadaadinaya madaxda afarta maamul goboleed ee saxiixay heshiiskan iney xildhibaanada laga soo doorto ku cadaadiyaan iney meel mariyaan qorshahan oo la filayo in maalmaha soo socda la horgeeyo baarlamanka Somalia si looga doodo ugu dambeyna loogu codeeyo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Xusuusta Kacaankii dalka ka curtay maanta oo kale 21-kii Oktoobar 1969kii?

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaqdhaqaaq ciidan ka billowday Galmudug..!!

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay ujeedo qarsoon oo laga lahaa dibad-baxii ka dhacay Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---