Madasha Xisbiyada Qaran: “DF waxay ciidamo dul dejisay hoyga Shiikh Shariif” (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo Ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen Hoyga Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa saacado ka hor si kulul u beeniyay wararka sheegaya in dowladu Ciidamo dul dhigtay hoyga Madaxweynihii hore.

Qoraal uu soo dhigay wasiirku bartiisa facebook ayuu wasiirku intaas ku daray in wararkaas ay faafinayaan rag masuuliyad sheeganaya oo ujeedkoodu yahay iney colaad iyo fitno ka abuuraan dalka.

War-saxaafadeedka madasha ayaa lagu sheegay in talaabada dowlada ujeedada laga lahaa ay tahay in lagu abuuro xasilooni daro iyo qalalaase cusubm oo dalka la geliyo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MADASHA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -