Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Safiir loo magacaabay iyo Wasiirro macsalaameeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) loo magacaabay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee u fadhin doona dalka Qatar.

Wasiir Doodisho ayaa maanta ka qeyb galay kulankiisii ugu dambeeyey ee shirka golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sagootin u sameeyeen qaar ka mid ah golaha Wasiirrada ee maanta soo xaadiray shirka todobaadalaha .

Qaar kamid ah golaha wasiirrada Soomaaliya ee ka qeyb galay shirkii golaha ee maanta ayaa sawirro ay ku sheegeen sagootin la galay wasiirka Amniga, waxa ayna wasiirrada qaar si cad u sheegeen in saaxiibkood Doodisho loo magacaabay safiirka Qatar.

“Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena magaalada Doha ee Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya.” ayey soo qortay wasiirka Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye oo sawir la gashay wasiirka .

Sida aan xogo ku helnay wasiirka Amniga Soomaaliya oo waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhaqaatiirta kula taliyeen in nasiino badan sameeyo, waana mida keentay in xilka wasiirka ka doorbido in uu safiir noqdo.

Booska wasiirka Amniga Soomaaliya uu baneeyay Doodishe ayaan ilaa hadda cid loo magacaabin, waxa uuna wasiirkan kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw madaxweyne Xasan Sheekh kana mid ahaa xisbigiisa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -