Ciidamada Dowlada oo Nolosha ku qabtay saraakiil iyo Dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in howlgal ay fuliyeen ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad lagu qabtay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaana howlgal ay ku baadi goobayeen dagaalyahano iyo saraakiil katirsan Al Shabaab ka fuliyay degaanada Eel- Dhuun, Adeegow, Toos wiine, Kurteela iyo Deegaano kale Oo Hoos tagta Goof Gaduud Buurey Ee Gobalka Baay.

Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Maxamed Sheikh Cabdullahi Ciirow ayaa sheegay intii uu howlgalka socday in ciidanka nolosha ku qabteen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Generaal Ciirow ayaa Warbaahinta afka ciidamada dowlada ku hadasha u sheegay in howlgalka xubnaha ay ku qabteen ay ku jiraan taliyihii sirdoonka Al-shabaab ee Gobolka Baay iyo madaxii Maaliyada Al-shabaab ee gobolka Baay iyo dagaalyahano ilaalo u aheyd.

Taliyaha ayaa sheegay in Magacyada Saraakiishan nolosha ku qabteen ciidanka milatari dib ka shaacin doonaan, waxa uuna xusay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gobolada Baay iyo Bakool.

Al Shabaab ayaa wali awood badan ku leh gobolada Baay iyo Bakool, mana jiro wax war ah oo Al Shabaab kasoo saartay warkan ay baahiyeen taliska ciidanka milatariga ee ku aadan in saraakiil katirsan kooxdaasi gacanta lagu dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -