Allbanaadir.com
NEWS

Buuq ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland iyo gudoonka oo go’aamiyay in …

Waxaa saakay lagu waday in xildhibaannada baarlamaanka Puntland ka doodaan xeerka wax-kabedelka doorashooyinka, hasa ahaatee buuq iyo sawaxan hareeyay xarunta baarlamaanka ayaa la go’aamiyay in dib loo dhigo ka doodista xeerkan.

Guddi gaar ah oo loo xil-saaray ka shaqaynta xeerka ayaa qoraal uu Baarlamanka la wadaagay ku dalbaday in la hakiyo xeerka inta laga xallinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan arrinaha doorashada.

Dalabka guddiga kaddib ayaa la sheegay in  xarunta golaha Baarlamaanka Puntland uu  hareeyay buuq iyo sawaxan xooggan, waxaana la sheegay in xildhibaannada qaarkood isu gacan-qaadeen.

Buuq iyo sawaxan kaddib ayaa guddoonka Baarlamanka Puntland waxa uu ku dhawaaqay in dib loo dhigay ka doodista xeerka ilaa maalinta Axadda ah ee todobaadka danbe oo ku beegan 26 Nov 2023.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka

Cabdi Cade

Ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Madaxda Puntland oo caawa ka socda Garoowe

Caydiid Ali

Siyaasiyiin Mucaaradsan Laftagaren oo shir xasaasi ah ku yeeshay Nairobi (War Murtiyeed)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---