Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah yeeshay iyo Xog ku aadan

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in kulan Albaabada u xirnaayeen oo xasaasi ah yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulankan ayaa sida aan wararka ku helnay looga hadlay arimo dhoor ah ay kamid yihiin sidii Axmed Madoobe doorashada Madaxweyne ugu taageeri lahaa Siciid Deni oo Musharax ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada madaxweyne.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay sidii ay usoo saari lahaayeen Xildhibaano rabitaankooda ku shaqeenaya si ay uga fogaadaan in Musharaxiin kale codadka Xildhibaanada Jubbaland iyo Puntland ugu tashadaan.

Madaxtooyada Puntland iyo tan Jubbaland ayaan ka hadlin kulankan dhax maray Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana wali harsan kulamo kale oo yeelanayaan labada Madaxweyne oo leh isbaheysi qabiil ku dhisan.

Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin, Deni ayaana la sheegay in saameyn badan leeyahay uuna heesto Xildhibaano badan oo taabacsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -