Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Taliye Indho Qarshe oo tagay Deegaan ay la wareegeen Ciidanka Milatariga (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Geed Timir ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Indha Qarshe ayaa kormeeray xero ciidanka Milatariga Soomaaliya ka sameesteen deegaanka Geed Timir , waxa uuna warbixino ka dhageestay saraakiisha ciidanka ee deegaankaasi ku sugnaa.

Taliyaha ciidanka Xooga ayaa amaanay ciidamada iyo saraakiisha ee ku sugan deegaanka Geed Timir, waxa uuna xusay taliyaha in la xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay deegaano badan oo horey gacantooda ugu jirin, waxa ayna ciidamada markaan bilaabeen in saldhigyo ka sameestaan deegaanada ay la wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Jubbaland oo shaaciyey iney nolol ku qabteen C/llaahi Macalin Ibraahim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Doon sida sida Shixnado Ganacsi oo ku gubaneysa Dekadda Boosaaso

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Musharxiin uu ku jiro Mukhtaar Roobow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---