Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Musharxiin uu ku jiro Mukhtaar Roobow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharaxiinta uu la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku jira Wasiirkii hore ee Maaliyadda  Maxamed Aadan Farkeeti, Sheekh Mukhtaar Roobow oo wali shaacin Musharaxnimadiisa iyo Musharaxiin kale.

Sida aan Wararka ka heleyno kulankan ayaa looga hadlay sidii Musharaxiinta uga shaqeyn lahaayeen in isbadal ku yimaado hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii loo bad baadin lahaa maamulkaasi .

Musharaxiinta qaarkood ayaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ka codsaday in dowlada ka taageerto bad baadinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna cadeeyeen in ay rajo ka qabaan in isbadal ku sameeyaan maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan la filayaa  in ay dhacdo , waxaana doorashadan xubnaha loo saadaalinayo in ay ku guuleesan karaan kamid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mnasuur oo taageero badan ku leh Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay warbixin lataaban qodob ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxkamada amartay duminta kaniisad laga dhisay dhul ay leeyihiin dad Muslimiin ah

Caydiid Ali

Jeneraal Indha Qarshe oo shaaciyay in Galmudug uusan waxba ka heleyn qof Waddani ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---