Doon sida sida Shixnado Ganacsi oo ku gubaneysa Dekadda Boosaaso

Doon sida shixnado ganacsi ayaa ku gubaneysa meel ku dhaw Dekadda magaalada Boosaaso, waxaana doontan u rarneyd ganacsato kasoo jeeda deegaanada maamulka Punltland.

Sida aan Wararka ku heleyno doontan ayaa ku gubaneysa meel aan sidaa uga fogeyn halka ay ku soo xirtaan Doonyaha iyo maraakiibta ganacsi ee yimaada Dekadda magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland iyo ganacsaada ay u rarneyd doontan ganacsi ayaa wada dadaalo loogu gurmanayo doonta gubaneysa, lamana oga ilaa hada waxa sababay dabka qabsaday doontan kusoo wajahneyd Dekadda Boosaaso.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -