Ciidanka Jubbaland oo shaaciyey iney nolol ku qabteen C/llaahi Macalin Ibraahim (Daawo Sawirro)

Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degaanka Kulbiyow oo hoos tagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen Cabdow oo ka tirsanaa koox ka tirsan Alshabaab oo weerar ku soo qaadey.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa intaa ku daray iney ka war heleen weerarka ka hor inta aysan shabaabku soo gaarin xarunta ciidamada kadibna ay jidka u sii galeen taasoo keentay inay kala firxadaan ninkan oo dhaawac ahna ay kaga cararaan goobtii dagaalku ka dhacey.

C/llaahi Macalin Ibraahim Cabdow oo haatan gacanta ugu jira ciidanka Jubbaland ayaa sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab in muddo ah, uuna ka qeyb qaatay dagaalo badan.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ninkan ay soo taagi doonaan dhowaan maxkamad, si looga abaal mariyo dembiga uu galay.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku qabteen dagaalyahan ka tirsanaa koox weerar ku soo qaaday degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -