Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Puntland oo qabtay nin biskoolad Been abuur ah gaari ku dhacay !(Sawirro)

Ciidamada booliiska waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xalay ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan nin burcad ahaa oo dhac u geestay gaari uu lahaa qof shacab ah.

War kasoo baxay booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ciidamada ku guuleesteen in saacad gudaheeda kusoo helaan gaari laga dhacay xaafada Siinay , waxa ayna sheegeen booliiska in gaarigan laga soo qabtay xaafada Garsoor.

Booliiska waxa ay sheegeen in ninka gaariga dhacay uu adeegsaday biskoolad been abuur ah, waxa uuna biskoolad u ekeesiiyay baakad uu ku duub duubay bac madow, taa uu u adeegsaday dhaca gaariga.

Taliska booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ninka eedeysanaha ee lasoo qabtay ku socdaan baaritaanno, waxa ayna tilmaameen in la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dambiga uu galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno ka soo goostay Al-shabaab oo iska dhiibay degmada..

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax ka dhacay garoonka Ciyaaraha Magaalada Belad-Weyne

Caydiid Ali

Xulka dalka Ivory Coast oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---