Allbanaadir.com
NEWS

Xulka dalka Ivory Coast oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa (Sawirro)

Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay caawa Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Nigeria, ciyaarti kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattara ee magaalada Abidjan.

Goolka guusha waxaa Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhammaadkeeda ka dhinneyd 9 daqiiqo. Sidaasi ayayna Xulka Maroodiyaasha ku hanteen koobki saddexaad ee Africa.

Nigeria iyada ayaa goolka la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxana madax ugu dhaliyay William Troost-Ekong, kaddib marki uu ka faa’iiday kubad uu u soo karoosay Samuel Chukwueze.

Hase yeeshee marti-geliyaasha tartanka ayaa ka daba-tagay, kaddib marki uu goolka barbarraha uu u dhaliyay laacibki hore ee AC Milan Franck Kessie.

Waxay sidoo kale noqdeen Ivory Coast, dalki ugu horreeyay oo isaga oo martigelinaya koobka qaada, tan iyo sannadki 2006-di, markaas oo ay Masar martigelisay kaddibna koobka ku guuleysatay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Akhriso) Madasha Xisbiyada Qaran: “Farmaajo wuxuu hormuud u noqday qalalaase Siyaasadeed”

Caydiid Ali

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Maaliyada G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiiradda Maaliyadda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo heshiis gaaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---