Allbanaadir.com
NEWS

Xubno ka soo goostay Al-shabaab oo iska dhiibay degmada..

Xubno ka soo goostay kooxda Al shabaab ayaa la sheegay iney isku dhiibeen Maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa sheegay in 7 kamid ah al shabaab ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.

Dhallinyaradan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysan waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen, isla markaana ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda.

Inkastoo Al- shabaab sanad ka hor laga fara maroojiyey degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug haddana kooxda ayaa weli ku sugan goobo badan oo ay ka soo abaabulaan weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah ciidamada DF.

Related posts

Xiliga rasmiga ah uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo u Mahadceliyay dowladda Qatar codsi cusubna u jeediyay

Cabdi Cade

Jilaa dilay Hooyadiis sidoo kale qorsheeyay Dilka Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---