Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faahfaahin: Qarax ka dhacay garoonka Ciyaaraha Magaalada Belad-Weyne

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay garoonka kubada cagta Magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan kaasoo wararku sheegayaan inuu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Garoonka K/Cagta Laqanyo Stadium oo maalmahan ay ka socdaan ciyaaro kala duwan ayaa la soo sheegayaa iney qaraxday miino lagu aasay afaafka hore ee laga galo.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in lala beegsaday gaari ciidan oo ka soo baxayey garoonka, waxayna wararka qaarkood sheegayaan iney ku dhinteen labo askari oo la socday gaariga, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, iyadoo dadkii iskugu yimid daawashada ciyaaraha kala duwan ay ka kala carareen garoonka qaraxaasi ka dib.

Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney qaraxan fulisay ayaa maalmahan dardar gelisay weerarada ay ka wado bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Dhul gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Dalka Afgaanistan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askari Carbeed oo dil arxan daro ah u geestay Muwaadin Soomaaliyeed oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---