Allbanaadir.com
NEWS

Koox ku hanjabtay in ay weerari doonaan Maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas marta

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa soo saaray farriin hanjabaad ah oo ku socda maraakiibta kusii jeeda Isreal, xilli kooxdan horey u sheegtay in ay garab taagan tahay kooxda Xamaas ee dagaalka kula jirta Isreal.

War kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in ay weerari doonaan maraakiibta Israel ee mara Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandeb, waxa ayna kooxda si cad u sheegtay in ay duqeyn doonaan maraakiibta Israel kusii jeeda.

Abdulmalik al-Houthi oo kooxdan awoodda ku leh dalka Yemen u hadlay ayaa sheegay inay isha si gaar ah hada ugu hayaan badda cas iyo maraakiibta halkaas mara ,gaar ahaan kuwa laga leeyahay Isreal iyo kuwa kale ee kusii jeeda.

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dhowr mar gantaalo ku weeraray gudaha Isreal gaar ahaan magaalo xeebeedka Eilat, waxa ay sidoo kale kooxdan dhawwaan soo riday diyaarad nuuca wax basaasa oo dowladda Mareykanka laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Galmudug oo si kulul uga hadlay ciidamo la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Caydiid Ali

Haweeney xijaab la’aan Iran ku meteshay tartan caalami ah oo ku laabatay Tehran (Sawirro)

Caydiid Ali

Xogo Cusub oo laga helay Ciidamada Dowlada Geesay Eritrea iyo Ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---