Allbanaadir.com
NEWS

Go’aan farxad geliyay dadka magan-gelyo doonka ah oo kasoo baxay Maxkamadda sare ee…

Maxkamadda sare ee dalka Britain ayaa sharci-darro ku tilmaantay qorshaha dowladda UK ugu direyso qaarada Afrika, gaar ahaan dalka Rwanda dadka magan-gelyon doonka ah ee dalkaasi sharci-darada ku gala.

Garsoore Lord Reed, ayaa sharci-darro ku tilmaamay qorshahan la doonayo in dadka magan-galyo doonka ah loo geeyo Rwanda, waxa uuna xusay in dadkaasi halis ugu jiraan in dib loogu celiyay dalalkii ay kasoo carareen.

Maxkamadda sare ee dowladda Britain ayaa sheegtay in qorshaha magan-galyo doonka lagu geynayo dalka Rwanda uu si cad u jabinayo heshiiskii Qaramada Midoobay ee dhinaca qaxootiga.

Go’aankan maxkamadda ku hor istaagtay in dalka Rwanda lagu geeyo dadka magan-galyo doonka ah ee yimaada Britan ayaa dhabar jab weyn ku noqday dowladda, waxa ayna tani meesha ka saareysa cabsidii heesatay dadka sharci-darada UK kusoo gala.

Dowladda Rwanda ayaa dhankeeda sheegtay in dalkeeda uusan ammaan u aheyn magan-galyo doonka iyo dadka kale ee qaxootiga ah,waxa ayna sheegtay in ay si dhab ah u qaadatay mas’uuliyadeeda bini’aadantinimo ayna sii wadi doonto sidii ay uga soo bixi lahayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo Yareysay Maabka Dheereerka Xeebta Soomaaliyeed!

Cabdi Cade

Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo gabo gabo maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiyaanka jooga Garawe oo lagu amray in ka baxaan magaalada hanjabaadna loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---