Maamulka Galmudug oo si kulul uga hadlay ciidamo la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ciidamada DANAB iyo NISA kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taalla magaalada Cadaado.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan Maamulka Galmudug, taasi uu ku tilmaamay in ay nasiib daro tahay.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa waxaa uu  dowladda dhexe ku dhaliilay in ay Galmudug ka waddo waxaa uu ku tilmaamay khal-khal gelin siyaasadeed iyo mid amni, waxaana uu sheegay in taasi ay dhibaato badan ka dhalan karto.

“Dowladda Federaalka oo amnigii dalka ku fashilantay, isla markaana  Muqdisho aan arkeyno in maalin walba qaraxyo ka dhacayaan waa nasiib daro inay haatan u gudubtay maamul goboleedyada inay khal-khal geliso oo xarumahooda ay weerareyso, waxaan uga digeynaa Ciidamada sida xoogga ah ku galay meeshaas, iney ilaaliyaan wixii docuementi ah iyo agabyada meeshaas yaalla”ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in amar ka soo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug lagu amray Ciidamada Daraawiishta Galmudug inay u diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen faragelinta ay ku hayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -