Haweeney xijaab la’aan Iran ku meteshay tartan caalami ah oo ku laabatay Tehran (Sawirro)

Ciyaartoyga reer Iran ee Elnaz Rekabi ayaa si geesinimo leh ugu laabatay Tehran, ka dib markii ay ku tartantay Kuuriyada Koonfureed iyadoo aan xirnayn xijaab qasab ah oo looga baahan yahay ciyaartoyada haweenka ah ee ka socda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran

Mudaaharaadyada, ayaa ka dhacay waddooyinka in ka badan 100 magaalo

Heyadaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin badbaadada Rekabi ka dib markii ay dooratay inay tartanto xijaab la’aan.

Rekabi waxay ku celisay sharraxaad hore loogu soo dhejiyay akoon Instagram-ka magaceeda ku qoran oo ku tilmaantay in aanay xirnayn xijaab “mid aan ula kac ahayn”,lamana oga talaabada ay Dowlada Iran ka qaadi doonto  haweeneydan.

Go’aanka Rekabi ee ah ineysan xiran xijaabka inta uu socday tartanka ayaa yimid iyadoo mudaaharaadyo ka dhashay xirashada xijaabka ay dalkaas ka bilowdeen 16kii Sebtember ka dib markii ay gacanta booliska ku dhimatay haweeney 22 jir aheyd oo la oran jiray Mahsa Amini sababo la xiriira iney xijaabka u qaadatay siyaabo aan habooneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -