Madaxweyne Trump oo si fool xun u bahdilay boqorka dalka Saudia Arabia

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Boqorka Sacuudiga iyo Boqortooyada Dalkaasi, kadib khudbooyin kulul oo uu ka jeediyay isu soo baxyo ka dhacay gobollada Mareykanka.

Donald Trump khubadiisii ugu horeeyay ku sheegay in dalalka hantida leh sida Sacuudiga, Japan iyo South Korea uu Mareykanka ilaaliyo, taas bedelkeena aysan waxba bixin, wuxuuna intaas ku daray in dalalkaasi laga doonayo inay dhaqaale bixiyaan haddii ay rabaan ilaalada Mareykanka.

Weerarkii labaad ee afka ah oo ay dad badan u qaateen aflagaado ayuu Madaxweyne Trump ku qaaday maanta boqorka Sacuudiga, isagoo sheegay inuu telefoonka kula hadlay Boqorka Sacuudiga, isla markaana uu u sheegay in Mareynkanka la’aantiis aanu talada heyn karin laba toddobaad.

“Waxaan ilaalinaa Boqortooyada Sacuudiga oo ah dal hodan ah, waan jeclahay Boqorka Sacuudiga, waan la hadlay, waxaan ku iri: Waa inaad iska bixiso kharashka ciidamada, laba toddobaad xukunka ma heyn kartid ilaalada ciidamada Mareykanka la’aantood..” ayuu yiri Donald Trump oo la hadlayey dad isugu soo baxay gobolka Mississippi.

Hadalka Donald Trump ayaa lagu tilmaamay mid sharaf dhac iyo bahdilaad ku ah boqortootada Sacuudiga, mana aha markii ugu horeysay ee hadalo noocan u qaab daran uu ka sheego amiirada xukumada dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -