Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Dhigiisa Sacuudiga iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Related posts

Talyaaniga oo xaalad adag ka taagan tahay iyo Dowlada oo amaro soo saartay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo kahor yimid Dalabka Musharaxiinta Amar cusubna bixiyay

Cabdi Cade

Booliska Soomaaliya oo xoog ku soo furtay ilmo yar oo afduub loo heystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---