Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney Aqalka sare u adeegsatay faragelinta Galmudug

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Mesegawaa) ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey iney weli sii wadaan fara gelinta ay ku hayaan dowlad goboleedka Galmudug.

Mesegawaa oo xalay Saxaafada kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay madaxda dowladda ay bilaabeen inay adeegsadaan xubnaha aqalka sare si ay u sii wadaan faragelintooda sida uu yiri

Golaha aqalka sare ayuu sidoo kale ku eedeeyey iney ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isla markaana ay ku milmeen faragelinta madaxda dowladda ay ku heyso Galmudug.

“Faragelinta madaxda dowladda federaalka ku hayaan dowlad goboleedkadka Galmudug weli wey socotaa, waxayna yeelatay weji cusub, iyagoo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ku milmeen faragelinta dowladdu ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug”. ayuu yiri Wasiir Mesagawaa.

Hadalka Mesegawaa ayaa ku soo aadaya xili golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xalay soo saareen War murtiyeed ay kaga soo horjeesteen dedaalada uu aqalka sare xalka ugu raadinayo khilaafka Galmudug, iyagoo la saftay Madaxweyne.

Madaxda dowlada goboleedyada ayaa u muuqda kuwo sii hurinaya khilaafka ka dhex aloosan maamulka Galmudug sida ay qabaan siyaasiyiin badan iyo dadka falanqeeya arrimaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -