Dowlada Iran ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Trump oo dad bada ka yaabiyey
Trump ayaa ka sheegay Aqalka Cad inay Hoggaamiyayaasha Iran la soo xariireen ayna ka dalbadeen inay yimaadan xafiiskiisa, laakiin uu u sheegay inay soo daaheen oo ay fursadii la siiyey lumiyeen, isagoo xusay iney dhibaato dhab ah haysato Hoggaanka IRAN.
IRAN ayaa soo saartay War saxaafadeed kooban oo ay kaga jawaabtay hadalkii Trump ee ahaa iney is dhiibeen, lana xiriireen xafiiskiisa.
“Mas’uul Iran ah waligiis ma dalban in uu tago albaabka Aqalka Cad (White House), Waxa kaliya ee ka sii liita beentiisa waa hanjabaadiisa fulaynimada leh ee ah in la “dilayo” Hogaamiyaha Sare ee Iran, Iran wax wadahadal ah kuma gasho cabsi iyo cadaadis, mana ogola heshiis nabadeed iyadoo la cabsi gelinayo, mana aqbasho in uu cadaadiyo qof dagaal-ooge gaboobay oo wali doonaya in lagu xasuusto, Iran waxay uga jawaabi doontaa hanjabaad kasta hanjabaad la mid ah & tallaabo kasta tallaabo u dhiganta” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Iran.