Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii labaad 48 saac gudahood ka geystay Somalia

Ciidamada Mareykanka ee Jooga Somalia ayaa 48 saacadood gudahood duqeyn labaad oo dhinaca cirka ah ka fuliyey degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Ā duqeyn ka dhacday agagaarka degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

Qoraal uu soo saaray taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntan aysan wax shacab ah khasaare ka soo gaarin, laguna xoojinayey howlgalada ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Sadex cisho ka hor oo ku beegneyd 19-kii bishan ayay aheyd markii Milateriga Mareykanku sheegeen in duqeyn ka dhacday agagaarka degmada Jilib ku dileen saddex ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Maraykanka ayaa xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku hayo Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -