Jabhad la magac baxday Cawaale oo dagaal iclaamisay (Daawo Sawirada)

Jabhad cusub oo la magac baxday Cawaale ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana jabhadan soo dirtay fariin hanjabaad ah oo ku socota maamulka Somaliland.

Muuqaal ay soo duubeen saraakiisha hogaamineysa Jabhadan oo ku sugan deegaano katirsan gobolka Owdal ayey ku iclaamiyeen dagaal xoogan ay kala hortagayaan maamulka Muuse Biixi.

Saraakiisha hogaamisa Jabhadan ayaa sheegay in duulaan soo yihiin, waxa ayna ugu baaqeen dadka ajaaniibta ah ee ku sugan gobolka Owdal gaar ahaan magaalada Boorame in halkaasi isaga baxaan.

Waxa uu sheegay sargaal u hadlay Jabhada Cawaale in ay diyaar u yihiin dhimasho wax cabsi ahna aysan ku jirin, waxa uuna ugu baaqay Xukuumada Soomaaliland in ay u diyaar garoobaan dagaal.

Sargaal u hadlay Jabhada ayaa sheegay in sababta ay hubka u qaateen in ay tahay in laga baxay heshiiskii lagu dhisay maamulka Somaliland ee wax wada qeybsiga, waxa uuna tilmaamay in hal qolo gacanta u galay maamulka.

Maamulka Somaliland ayaa mudooyinkii dambe wajahayay culeesyo kaga imaanayay jabhado hubeesan oo kasoo horjeeda maamulka Hargeysa, waxaana jabhadan badankood yihiin kuwa qaab qabiil u dhisan.

- Advertisement -