Mareykanka oo talo muhiim ah ka siiyay Israel duullaanka ay rabaan in Gaza ku galaan

Ciidamada milatariga Yahuuda Israel ayaa isku diyaarinaya in weerar xooggan oo dhinaca dhulka ah in ay ku galaan magaalada Gaza, halkaas oo maamulaan dagaalyahannada jihaadiga ah ee Xamaas.

Israel waxa ay ku hanjabeen in ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaadayaan magaalada Gaza, si ay magaaladaasi uga saaraan kooxda Xamaas ee katalisa , waxa ayna Israel doonayaan in ay soo afjaraan jiritaanka Xamaas .

Dowladda Mareykanka oo xiriir dha la leh  maamulka Israel ayaa kula talisay in ay joojiyaan qorahaheeda duullaanka dhinaca dhulka ah ee ku hanjabtay inay ku galeyso magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Mareykanka ahaa aaminsan duullaanka dhinaca dhulka ah ay Isreal ku qaado magaalada Gaza uu meesha ka saari karo wadahadallada la doonayo in lagu soo daayo dadka tirada badan ee u afduuban Xamas.

Ciidamada Isreal ayaa wali duqeymo arxan-darro ah ku garaacaya magaalada Gaza, waxaana shalay kaliya milatariga Israel sheegeen in magaalada Gaza ku garaaceen 300- oo gantaalo cuklus ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -