Xildhibaan Jacfar oo ku baaqay in la iska celiyo dadka boobaya dhul kuyaalla Dayniile (Sawirro)

Xildhibaano katirsan golaha shacabka ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Murusade ayaa ku baxay cabasho kasoo yeertay waxgarad u dhashay beeshaasi oo sheegay in dhul ay leeyihiin la boobayo.

Waxgaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhul ay asal ahaan leeyihiin ayna qaarkood horey uga qaadatay dowladdii dhaxe ee dalka hadda la doonayo in dowladda Soomaaliya ku wareejiso dad gaar ah una sharciyeeso.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo kamid ahaa xildhibaanno shalay la kulmay odayaasha dhulkooda la boobayo ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in si sharci darro ah dhul dad leeyahay lagu qaato.

Waxa uu sheegay Jacfar in ay ogyihiin in rag siyaasiyiin ah ku howlan yihiin sidii dhulkan sharci been ah ugu sameyn lahaayeen, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin  in dhulkaasi been been lagu qaato .

Xildhibaanka ayaana ugu baaqay waxgaradka iyo dadka kale ee iska leh dhulkna la doonayo in la boobo in ay iska celiyaan dadka boobka iyo dulmiga ku hayo, waxa uuna cadeeyay in xildhibaan ahaan garab taagan yihiin dadkooda.

Jacfar ayaana ugu baaqay dadka degan dhulka la rabo in la boobo ay ku jirto xerada Owdweyne in aysan lacag iska bixin iyaga oo doonaya dhul islaameen in loo sharciyeeyo, waxa uuna sheegay in dhulkaasi yahay dhul dad leeyahay haddii dowladdii ka maarantay.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ku dhaw madaxweyne Xasan Sheekh la sheegay in ay damacsan yihiin in madaxweynaha kasoo saxiixaan in dhulkaasi dowladda ka maarantay una sharciyeeso dad aan laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -